Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Newcastle ayaa ka maadsatay tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ka dib markii uu hadallo yaab leh ka yiri kubad loo isticmaalo ciyaaraha Carabao Cup.
Kooxda Newcastle ayaa Arsenal ka reebtay Carabao cup-ka iyaga oo kaga badiyay 2/0 kulankii lugta 2-aad ee Semi-final-ka tartanka.
Arteta ayaa horay u sheegay in xiddigaha kooxdiisu ku dhibaatoodeen kubada lagu ciyaaro tartanka ee ay soo saarto shirkada Puma.
Waxa ay ka duwan tahay kubadda loo isticmaalo ciyaaraha Premier League ee ay samayso Nike. Arsenal ayaa lugtii hore 23 laad ku laagtay goolka hadana waxa ay ku fashilmeen in ay wax goolal ah dhaliyaan.
Markii la waydiiyay sida uu uga caawin karo in uu horumariyo dhamaystirka ciyaartoydiisa, Arteta ayaa ku jawaabay: “waxba, kaliya isku day oo tus iyaga oo sii talooyin ku saabsan waxa aan samayn karno si ka sii fiican. Waxaan filayaa in aan kubbado badan ku laadnay birta, waana khiyaano in kubbaddani ay aad u duulayso. Taasna waan ka wada hadalnay sidoo kale, marka waxaa jira tafaasiil aan samayn karno si ka sii fiican”..
Kadib ciyaartii kulanka 2-aad Newcastle ayaa ku digatay kooxda Arsenal kadib markii ay ka badiyeen kooxda Arsenal lugta 2-aad.