Namibiya oo xannibtay markab looga shakiyay in uu hub-u-wado Israa’iil.

0
66

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Markab ay mas’uuliyiinta Namibia uga shakiyeen inuu sido shixnad milateri oo ay Israa’iil ugu talo-gashay dagaalka ka socda Qaza ayaa laga hor istaagay inuu ku xidho dalka Koonfurta Afrika ku yaalla.

Wasiirka cadaalada Namibia Yvonne Dausab ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in markabka la joojiyay sababa laxariira in looga shakiyay inuu siday shixnad milateri

Kooxaha xuquuqda ayaa ka digay in Namibia ay ku lug yeelan karto xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha haddii ay u ogolaato in markabka uu ku soo xirto.

Lama garanayo sababta uu markabku u doonayay in uu ku soo xidho, laakiin maraakiibta ku jirta safarrada dhaadheer ayaa u badan in ay u istaagaan sahayda, nasinta ama in ay dejiyaan ama rartaan.

Bishii Disembar ee la soo dhaafay, dalka Namibia ee deriska la ah iyo Koonfur Afrika ayaa ka billaabay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) dacwad ka socota Israa’iil in ay xasuuq ka geysatay Gaza. Israa’iil waxay diiday eedeymaha xasuuqa oo ay ku tilmaantay “mid aan sal lahayn.