Tababaraha Red Devils ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa diiday inuu faahfaahin ka bixiyo sababtii uu shabaq ilaaliyaha reer Spain ku seegay ciyaartaas, inkastoo uu caddeeyay inay yihiin arrimo gaar ah oo aan sharraxaad u baahneyn.
Ka hor inta aysan bilaaban ciyaartii xalay ka dhacday Selhurst Park, Solskjaer ayaa sheegay in De Gea safka looga reebay arrimo shaqsi ah oo isaga quseeya, sidaas darteedna uu booskiisa u qaatay goolahayaha da’da yar ee Dean Henderson.
Mar tababaraha reer Norway la weydiiyay maqnaashada De Gea, waxa uu MUTV u sheegay inay jiraan arrimo shaqsi ah oo ciyaaryahanka lasoo gudboonaaday.
Solskjaer ayaa sidoo kale diiday inuu sharraxaad ka bixiyo maqnaasha goolhayahii hore ee Atletico Madrid iyo muddada uu maqnaan doona, waxaana uu Sky Sport oo su’aashay arrintaas ugu jawaabay: “Taas waa arrimo gaar ah, waxay qaadaneysa waqtiga ku filan iney qaadato”.
Si kastaba ha ahaatee, Tababaraha Man United ayaa ammaanay qaab ciyaareedkii uu xalay soo bandhigay Henderson oo qaatay doorkii David de Gea, sidoo kalena ku guuleystay inuu shabaqiisa gool ka ilaaliyo.
Maqnaashaha De Gea ee kulankan waxa uu Dean Henderson fursad u siiyay inuu safto kulankiisii afaraad ee Premier League xilli ciyaareedkan.