Muxuu ka yiri Sergio Ramos goolkiisii 100-aad ee kooxda Real Madrid??

0
194

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa gaaray goolkiisii 100-aad ee Los Blancos, intii uu ku jiray xirfadiisa cajiibka ah ee kooxda.

Goolka 100-aad ee Ramos ayaa yimid kaddib markii uu ku guuleystay inuu gool dhaliyo kulankii ay kooxdiisa 3-2 kaga badisay Inter Milan, kaasoo ka tirsanaa kulamada saddexaad ee wareega group-yada Champions League.

Sergio Ramos ayaa kaddib ciyaarta wuxuu la hadlay warbaahinta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Boqolka gool ma xuma, Waxaan rajeynayaa inaan sii wadan karo gooldhalinta”.

Intaas kaddib Sergio Ramos ayaa wuxuu ka hadlay guushii ay ka gaareen kooxda Inter Milan, wuxuuna yiri:

“Wuxuu ahaa kulan aad u adag, waxay heystaan koox aad u adag oo leh falsafad gaar ah”.

“Ugu dambeyntii waxaan helnay natiijo fiican iyo seddex dhibcood oo muhiim ah si aan u aadno kulanka soo socda si aan sidoo kale u guuleysano”.

“Maalin kasta hawshu way sii adkaanaysaa in laga difaaco kooxaha leh hibada farsamo ee weyn, waxaan ka shaqeyneynaa sidii aan markale u heli lahayn awoodeena dhanka daafaca”.