Muxuu ka yiri Pep Guardiola heshiiska kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez?

0
209

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday fikirkiisa ku aadan in Xavi Hernandez uu la wareegay shaqada tababaranimo ee kooxda koowaad ee Barcelona xilliyada soo socda.

Barcelona ayaa maanta oo Isniin ah garoonka Camp Nou ugu soo bandhigtay kumanaan taageerayaasha kooxda ah, tababaraheeda cusub ee Xavi Hernandez.

Halyeeyga Barcelona oo 41 jir ah ayaa qandaraas gaaraya ilaa iyo 2024, wuxuu ku hor saxiixay madaxweynaha kooxda ee Joan Laporta.

Guardiola ayaa ka dalbaday Xavi inuu dulqaad u yeesho, wuxuuna isaga oo ka hadlayay heshiiskiisa Barcelona yiri:

“Isaga ayaa kaga aqoon badan Barcelona cid walba, waana ku soo dhaweynayaa inuu qabto jagada macalinimo ee Barca.”

“Xavi si aad u wanaagsan ayuu u fahamsan yahay kubadda cagta, kaliya waxaan ka codsanayaa qof walba inuu u dulqaato isaga wax yar.”

“Aniga ahaan waxaan ku qanacsanahay inuu ku guuleysan doono hogaaminta Barcelona, isagoo kaashanaya qof walba.” Ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Guardiola.