(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Daafaca Manchester United ee Harry Maguire ayaa sugaya kulanka adag oo ay Sabtida wajahayaan kooxdiisii hore ee Leicester City.
Daafaca reer England ayaa aaminsan in kalsoonida ay heshay Red Devils ay ka caawin doonto iyaga inay hadiyad siiyaan taageerayaashooda, inta lagu gudajiro xilliga Christmas-ka.
United-ka ayaa ku jirta kaalinta seddexaad ee horyaalka Premier League, kaddib markii ay kulankii ugu dambeeyay 6-2 kaga badisay Leeds United, guul ay ka gaaraan Leicester, waxay ku riixi doontaa Red Devils kaalinta labaad.
Harry Maguire ayaa wareysi uu ku bixiyay website-ka rasmiga ah ee kooxda Manchester United, wuxuu ku sheegay:
“Leicester City waxay ku bilaabatay si aad u wanaagsan, sidii ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkii hore.”
“Waxay heystaan koox weyn, ciyaartoy waa weyn iyo tababare layaableh.”
“Waxaan filayaa inay markale u tartami doonaan afarta ugu sareysa, waxay guul la taaban karo ka gaareen Spurs-ka, sidii aan filayay.”
“Wuxuu noo noqon doonaa tartan adag, laakiin waa kulan aan xiiseyneyno, iyo iska hor imaad aan ku gali doono kalsooni.”
Intaas kaddib Harry Maguire ayaa ka hadlay halista Jamie Vardy, wuxuuna yiri:
“Waa ciyaaryahan weyn, wuxuu ku guuleystay kabaha dahabka (xilli ciyaareedkii hore) waana ku faraxsanahay isaga.”
“Waa ciyaaryahan heer sare ah, wax badan ayaan la ciyaaray isaga tababarada iyo labo jeer xilli ciyaareedkii hore, dagaal adag ayaa na sugaya, laakiin waxaan rajaynayaa in aan heer fiican ku jiri doono aniga iyo inta kale ee difaacyada.”