Musharraxa xilka Madaxweynaha Kooxda Barcelona oo ballan qaad adag u sameeyay Lionel Messi

0
240

(Barcelona) 05 Seb 2020. Víctor Font oo ah musharaxa madaxweynaha Barcelona, ayaa ka hadlay go’aankii Lionel Messi ee ahaa inuu xilli ciyaareed dheeri ah la sii joogo kooxda reer Catalonia.

Sidoo kale Víctor Font ayaa u sameeyay xiddiga reer Argantina ee Lionel Messi balan qaad ku saabsan mashruuca isboortiga.

Lionel Messi ayaa weeraray maamulka Barcelona, ​​isagoo carabka ku adkeeyay in mashruuca isboortiga uu yahay mid aad u liita.

Messi oo arrintan ka hadlayey ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan doonayaa inaan tartamo, waxaana doonayaa inaan ku guuleysto koobab, waxaa run ah inaan guuldarreysanay, laakiin waa inay kooxda tartantaa, ee ma aheyn  inay nagu dhacaan wixii aan kala kulanay kooxaha Roma iyo Liverpool, arrimahaas oo dhan waxay iga dhigtay inaan si dhab ah uga fikiro inaan baxo”.

Haddaba musharaxa madaxweynaha Barcelona ee Víctor Font ayaa sheegay:

“Kaliya iyada oo loo marayo mashruuc adag oo si fiican looga shaqeeyey ayaan kaga gudbi doonaa caqabadaha mustaqbalka, ee aan dib u dhisno FC Barcelona”.

“Waad ku mahadsan tahay, Messi, garab istaagaaga Barca isla markaana aad sii joogtay Camp Nou illaa inta uu ka tagayo maamulkan”.

“Waxaan haynaa mashruuc isboorti oo cajiib ah kaasoo aan ku hagaajin doonno kooxdeena oo aan dib ugu soo celin doonno meesha ugu sarreysa”.

“Mashruucayga doorashada waxaa ku jiri doona halyeey Barcelona ah oo noqon doona agaasimaha isboortiga, kaasoo noo sameyn doona qandaraasyada”.

Waxaa la tilmaamayaa in in doorashada Barcelona ay dhici doonto bisha Maarso ee soo socota, waana laba bilood ka hor dhamaadka heshiiska Lionel Messi ee kooxda Blaugrana.

Gool FM.