Muhaajiriin Afghanistan u dhashay kana yimid Iran oo ku dhintay shil bas.

0
150

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shil baabuur oo ka dhacay galbeedka Afghanistan ayaa sababay geerida 73 qof, oo ay ku jiraan 17 carruur ah, iyadoo dadka intooda badan ay saarnaayeen bas siday muhaajiriin Afghanistaaniyiin ahaa oo laga masaafuriyey Iran, sida uu xaqiijiyey mas’uul ka tirsan Taliban oo la hadlay BBC Pashto.

Baska oo kusii jeeday magaalada Kabul ayaa dab qabsaday habeenimadii Talaadada kadib markii uu ku dhacay baabuur xamuul ah iyo mooto, sida uu sheegay Ahmadullah Mottaqi, agaasimaha warfaafinta iyo dhaqanka ee Taliban ee gobolka Herat.

Wuxuu sheegay in dhammaan dadka saarnaa baska ay dhinteen, iyo sidoo kale laba qof oo saarnaa baabuurkii iyo mootadii shilka gala ayaa dhintay.

Bishii la soo dhaafay, Iran waxay kordhisay dadaalka ay kaga saaraysay dalkeeda muhaajiriinta Afghanistan ee aan sharciga haysan, kuwaasoo ka cararay dagaalada iyo xasillooni darrada dalkooda ka taagan.

“Dhammaan rakaabkii baska waxay ahaayeen muhaajiriin kasoo raacay magaalada Islam Qala,” sida uu AFP u sheegay afhayeenka guddoomiyaha gobolka, Maxamed Yuusuf Saeedi.

Booliiska gobolka Herat waxay sheegeen in shilka uu yimid kadib “xawaare dheereeya iyo dayacaad” uu sameeyey darawalkii baska, sida ay werisay AFP.

Shilalka waddooyinka ayaa ah kuwo aad u badan gudaha Afghanistan, iyadoo waddooyinka badankood ay burbursan yihiin kaddib tobannaan sano oo colaad ah, islamarkaana sharciga waddo-marista aan si adag loo dhaqan gelin.

Tan iyo 1970-meeyadii, malaayiin Afghanistiyiin ah ayaa u qaxay Iran iyo Pakistan, iyadoo uu jiray qax ballaaran xilligii duullaankii Soviet-ka ee Afghanistan sanadkii 1979 iyo sidoo kale wixii ka dambeeyey markay Taliban mar kale la wareegtay talada dalka sanadkii 2021.

Arrintan ayaa sii kordhisay nacaybka iyo eexda lagula kaco muhaajiriinta Afghanistiyiin ee gudaha Iran, iyadoo qaxootiga ay la kulmaan takoorid baahsan oo nidaamsan.

Iran waxay horay u siisay waqti kama dambeys ah oo ahaa bisha Luulyo (July), si ay muhaajiriinta aan sharciga lahayn uga baxaan dalka si iskood ah.