Mudaaharaadyo ka dhacay Nigeria oo looga cabanaya sare u kaca maciishada.

0
142

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalooyinka Oyo iyo Ibadan ee dalka Nigeria waxaa ka socda dibadbaxyo looga soo horjeedo sare u kaca maciishada.

Mudaaharaadyadii u dambeeyay ee ka dhacay koonfurta dalka ayaa daba socda kuwii ka dhacay waqooyiga Nigeria labo todobaad ka hor.

Dibad-baxayaasha ayaa ka caraysan sicir-bararka sare u kac ku yimi miciishada oo ay sabab u tahay qiimaha cuntada oo qaaliyoobay iyo go’aanka xukuumaddu ku joojisay kabka shidaalka oo muddo dheer socday.