Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer England ee Marcus Rashford ayaa diyaar u ah kulanka caawa ee Carabao Cup ee ay ka hor tegayaan Crystal Palace, kaddib markii uu galay shil baabuur Sabtidii markii ay kasoo laabteen ciyaartii Burnley.
Marcus Rashford ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda Manchester United ee garoonka tababarka Carrington kusoo laabtay markii ay soo dhamaatay ciyaartii Burnley, waxaana uu halkaas ka kaxaystay baabuurkiisa qaaliga ah ee Rolls-Royce oo uu qiimihiisu yahay £700,000 Gini.
Booliska magaalada Manchester ayaa sheegay in aanay wax baadhitaan dheeraad ah ku samaynayn falkan maadaama aanay jirin dhaawacyo culus oo dhacay, halka alacibkanna uu dhinaciisa ka damaanad qaaday in dhibbaneyaasha uu garabkooda noqonayo.
Waxa kale oo loo ogolaaday Rashford in uu ciyaaro kulanka Carabao Cup ee Crystal Palace ee caawa, kaas oo ah koobka ay difaacanayso kooxda tababare Erik ten Hag ee nonoqday koobka kaliya ee ay Manchester United ku guuleysatay tan iyo sannadkii 2017.
Manchester United oo si xun ku bilowday xilli-ciyaareedkan oo toddoba kulan oo dhamaan tartamada ah afar laga badiyey, ayaa waxa ay u dagaallamayaan in ay caawa sii wataan jidka guulaha ee ay kusoo laabteen Axaddii oo ay 1-0 kaga adkaadeen Burnley, waxaana goolkaas u dhaliyey Bruno Fernandes.