Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Arsenal ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay Chelsea kulan caajis ayaa oo ka tirsanaa Premier League.
Kulanka ayaa ahaa mid caajis ah iyada oo labada kooxoodba Soo bandhigin ciyaar lagu raaxayso oo lagu sugo afurka.
Chelsea ayaa ku fiicnayd dhinaca maamulista ciyaarta laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen dhinaca goolka.
Arsenal ayaa dhinaceeda samaynaysay fursado laakiin waxa ay sidoo kale ku dhibaatoodeen goolka hortiisa.
Arsenal ayaa daqiiqadii 20-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mikel Merino kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Wixii intaas ka dambeeyay labada kooxood ma Soo bandhigin ciyaar Laga sheekayn karo iyada oo labada kooxoodba u muuqdeen kuwo raali ah in ay ciyaartu sidaas ku dhmaato.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guushu ku raacday kulanka.