Mikel Arteta:” Waxaan Gaarnay Guushii Ugu Adkayd Ee Premier League Xilli Ciyaareed Kaan”

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa sheegay in guushii 1-0 ee ay kooxdiisu ka gaartay Crystal Palace ay ahayd tan ugu qiimaha badan ee xilli-ciyaareedkan illaa hadda.

Arsenal ayaa guusha ku heshay gool uu dhaliyay Eberechi Eze kaddib weerar kooban oo ka yimid kubad gees ka tuur ah, iyadoo kooxda ay ku adkaatay inay jabiso nidaamkii adkaa ee Palace.

Arteta oo hadlay kulanka kaddib ayaa yiri:

“Waxaan wiilasha u sheegay inay guushan iiga qiime badan tahay dhammaan guulaha kale ee xilli-ciyaareedkan.”

“Waxaan ognahay sida ay u adkayd. Waxaan soo ciyaarnay kulamo badan. waxaana sidoo kale haysannay fursad weyn oo miiska horyaalka aan kusii xakameyn karno sabab la xiriirta wixii dhacay usbuucan.”

“Crystal Palace waa koox si heer sare ah u abaabulan, waxay kugu khasbi karaan niyad-jab haddii aad feejignaan lumiso. Hal mar haddii aad khalad samayso, way ku ciqaabi karaan.”

Tababaraha ayaa sheegay in inkastoo qeybta hore ay ahayd mid adag, haddana kooxdu ay samaysay waxa loo baahnaa: “Qeybta hore waxaan ku adkaannay inaan jebinno difaacooda, annagoo helnay goolka guusha. Qeybta labaad waxaan u weerarnay si fiican oo aan kubadda u wareejinnay si hufan.”

“Laakiin 1-0, waxaad ogtahay inaad u baahan tahay inaad adkaysato. Waxay ka dhaliyeen koox kasta xilli-ciyaareedkan. Sidaas darteed in la ilaaliyo shabaq nadiif ah waxay ahayd mid aad muhiim ah.”

Guushan ayaa Arsenal ka dhigtay inay afar dhibcood hoggaanka uga hayso kooxaha kale kaddib sagaal kulan.