Meelo kamid ah Soomaaliya oo Maalintii Koowaad laga Sooman yahay

0
202

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa Maaanta Malintii koowaad laga sooman yahay degaano katirsan Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo badi dadka kunool shalay ay ahaayeen kuwo aan soomaneyn.

Meelaha maanta Maalintii Koowaad laga sooman yahay ayaa waxaa kamid ah degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ee maamulka Galmudug, iyo sido kale degmada Warsheekh oo katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaar kamid ah dadka Maanta Sooman Maalintii Koowaad ayaa waxaa ay sheegeen in shalay ay dhameystirayeen 3-ka Bisha Shacbaan, isla markaana Maanta, iyaga ay u bilaabatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Shalay ayaa degannada oyo degmooyinka katirsan Gobolada Galgaduud & Shabeellaha Dhexe waxaa si caadi ah u furnaa Maqaayadaha laga cunteeyo halka  maanta ay iran yihiin.