Mbappe oo Taariikh Sameeyay Kadib Kulankii El Clásico.

0
16

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kylian Mbappe ayaa wax yar ka sameeyay taariikhda kooxda Real Madrid kadib markii uu laba gool oo deg deg ah ka dhaliyay kooxda Barcelona kulankii muhiimka ahaa ee El Clasico.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France ayaa dhaliyay gool rigoore ah,kadibna uu qaaday weerar rogaal celis ah,waxana uu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Madrid ku hogaamineyso kulanka.

Sida laga soo xigtay Opta Jose, kaas ayaa ahaa goolkii 38-aad ee 26 jirkaan xilli ciyaareedkan – taasoo la micno ah in qofna uusan goolal badan u dhalin Madrid xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay.

Mbappe ayaa haatan dhaafay rikoorkii uu horay u haystay Ivan Zamorano (37 gool 45 kulan uu saftay) ilaa xilli ciyaareedkii 1992/93.

Kooxda.com ayaa xusaysa in Mbappe dhaliyay gool 3-aad qaybtii dambe ee ciyaarta.