Maxkamadda sare ee kenya oo hakisay xil ka qaadista Gachagua.

0
22

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay go’aanka Aqalka Senate-ka uu xil ka qaadista ugu sameeyay Madaxweyne Kuxigeenkii Kenya Rigathi Gachagua.

Tan ayaa timid wax yar uun kaddib markii xildhibaannada wadankaasi ay si aqlabiyad ah u meel mariyeen magacaabista William Ruto ee Madaxweyne Kuxigeenka cusub oo ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha.

Maxkamadda ayaa si kumeel gaar ah u hor istaagtay badalka lagu sameeyay Rigathi Gachagua illaa kiiskan ay ka dhagaysanayso 24 bishan Oktoobar.

Sharciga dalka kenya ayaa u ogolaanaya Madaxweynaha in uu ku soo magacaabo Madaxweyne Kuxigeen 14 maalmood guduhood iyo in Barlamaanku cod ugu qaado muddo 60 maalmood ah.

Illaa hadda, afar dalab ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Sare si loo joojiyo badalka lagu sameeyay Rigathi Gachagua.