Inta ugu badan taageerayaasha kooxda reer Spain ayaa ku wareersan fahanka sababta ay kooxdooda heshiis cusub uga saxiixan la’dahay halyeeyga wali garoonka ku jira, xilli uu difaacan wada hadallo la billaabi karo kooxdii uu doono marka ay curato bisha Jannaayo.
Ramos ayaa hadda ku jira qaab ciyaareed heer sare ah, waxaana xusid mudan inuu ka mid yahay difaacyada dhexe ee ugu wanaagsan xilligan, sidaas darteed, koox walba ayaa ku taammeysa inay hesho saxiixiisa.
Haddaba su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay “Muxuu Florentino Perez u dardar gelin la’yahay heshiis kordhinta kabtanka Los Blancos?”.
Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in Madaxweyne Perez uu maanka ku hayo saxiixa Kylian Mbappe xagaaga nagu soo fool leh, waxaana la fahansan yahay inuu miisaaniyad xooggan u diyaarinayo, tii oo ay jirto saameynta hoos u dhaca daqliga kooxda inta ayba garoommada ka maqan yihiin taageerayaasha naadiga.
Kabtanka xulka qaranka Spain ayaa ka mid ah xiddigaha ugu mushaharaadka badan naadiga Real Madrid isagoo jeebka ku rita lacag dhan 15 milyan oo euro xilli ciyaareedkii, waana qodobka ugu weyn oo ay ka wada doodayaan maamulka ugu sarreeya kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga.
Sidaas darteed, qaar ka mid ah maamulka sare ee kooxda ayaa ku doodaya inay raadiyaan baddelkiis si ay ugu sii diyaar noqdaan marka uu idlaado waayihiis, halka qaar kalena ay qabaan in Ramos uu yahay mid aan la baddeli karin sidaas darteedna ay habboon tahay inay sii heystaan oo heshiis cusub ka saxiixdaan.
Maadaama xiddigo hore oo la dhabar u ahaa Madrid ay huleeleen, sida Cristiano Ronaldo, waxaa jirta suuro galnimo weyn oo muujineysa inuu ka hayaami doono garoonka Santiago Bernabeu.