Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo Kormeeray Saldhiga Booliska Degmada Dhoobley.

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Jubbaland oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, mudane Hared Kalees Abdi, ayaa kormeer shaqo ku tagtay Saldhiga Booliska Degmada Dhoobley iyo sido kale goobo kale oo qorshuhu yahay in laga dhiso xarumo u adeegaya bulshada.

Inta uu socday kormeerka, waxaa qayb ka ahaa Taliska Booliska Degmada Dhobley, saraakiil ka socotay taliska Booliska Jubadda Hoose, xubno ka tirsan ururka Haweenka iyo Dhalinyarada, iyo sidoo kale qaar ka mid ah howl-wadeenada Wasaaradda Amniga Jubbaland.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya