Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xoghayaha waaxda gaashaandhigga ee Maraykanka ,Lloyd Austin ayaa sheegay in ugu yaraan 25,000 oo isugu jiro carruur iyo haween lagu dilay Qaza.
Dilalkan ayuu sheegay inay dhaceen laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore xilligaasi oo ay Israa’iil guda gashay duqeymo militari.
Austin ayaa arrinkan ka sheegay golaha congress-ka ee Maraykanka oo lagu wareysanayay.
Hasa ahaate ma uunan caddeyn hubka uu Maraykanku ku taageeray Israa’iil tan iyo intii uu billowday duullaanka Qaza ee dalka Falastiin.