Manchester United Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Go’aan Ku Aaddan Mustaqbalka Ruben Amorim Ka Hor Kulanka Liverpool

0
150

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Milkiilaha wadaagga ah ee Manchester United, Sir Jim Ratcliffe, ayaa ka hadlay mustaqbalka tababaraha kooxda Ruben Amorim, intii uu ku sugnaa barnaamijka The Business Podcast ee Mareykanka.

Ratcliffe ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo tababaraha reer Portugal, inkastoo kooxda aysan si buuxda u gaadhin heerkii la rabay xilli ciyaareedkan.

Wuxuu yiri:“Xilli ciyaareedkiisu ma ahayn kii ugu fiicnaa, balse Ruben waa inuu ku muujiyo inuu yahay tababare weyn muddo saddex sano ah. Taasi waa meesha aan anigu ka taaganahay.”

Markii la weydiiyay in qoyska Glazer ay ku cadaadiyeen inuu eryo tababaraha, Ratcliffe si cad ayuu u jawaabay:

“Taasi ma dhici doonto.”

Manchester United ayaa bilaabaysa inay muujiso horumar, iyadoo guuleysatay saddex kulan oo xiriir ah oo ay ku ciyaartay garoonkeeda.

Kulanka xiga ee Red Devils wuxuu noqon doonaa safar adag oo ay ku tagayaan Merseyside si ay ula ciyaaraan Liverpool, oo ah kooxda horyaalka difaacanaysa.