Manchester United oo indhaha ku heysa bar-tilmaameedka kooxaha Real Madrid iyo Barcelona

0
214

Manchester United ayaa la soo saxiixatay 5 ciyaaryahan suuqii xagaaga ee la soo dhaafay, oo ay ku jiraan 4 ciyaartooy oo maalintii ugu dambeysay suuqa ay dhameystirtay heshiiskooda, kuwaasoo ay ku jiraan Donny van de Beek, Edinson Cavani, iyo Alex Telles.

Sida laga soo xigtay wargayska “The Sun” ee dalka England tababare Solskjær ayaa codsaday in loo soo iibiyo daafaca kooxda Seville ee reer France Jules Koundé, maadaama tababaraha Manchester United uu doonayo inuu xal u helo dhibaatada ka heysata dhanka daafaca.

21 jirkan reer France wuxuu bar-tilmaameed u ahaa kooxda Manchester City suuqii xagaaga ee la soo dhaafay, laakiin naadiga Seville ayaa iska diiday inay fasaxdo laacibkeedan, taas oo ku qasabtay Pep Guardiola inuu qandaraas la galo Rúben Dias.

Manchester United are ready to make a move for Jules Kounde

Jules Koundé ayaa u dhaqaaqay Seville xagaagii 2019, wuxuuna kaga soo dhaqaaqay naadiga Bordeaux, aduun dhan 22 million pounds, waxayna kooxda reer Spain ka dhigtay in qandaraaskiisa lagu jabin karo qiimo lacageed dhan 82 million pounds, waxayna dooneysaa Seville inaysan u ogolaan inuu ku boxo qiimo intaas ka yar.

Manchester United waxay u baahan tahay inay marka hore ka takhalusto qaar ka mid ah daafacyadeeda, ka hor inta aysan la soo saxiixanin Jules Koundé, sida Phil Jones iyo Marcus Rojo, Victor Lindelof ama Eric Bailey.

Tababare Ole Gunnar Solskjær  wuxuu raadinayaa xiddig ku haboon inuu lamaane kula noqodo dhanka daafaca kabtanka kooxda Manchester United ee Harry Maguire, kaddib markii laga dhaliyay 11 gool, saddexdii kulan ee ugu horreysay horyaalka Premier League.

Jules Koundé ayaa sidoo kale loo arkaa xiddig ay si weyn u xiiseynayaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona, ​​laakiin uma badna inay la soo wareegi doonaan bisha Janaayo.