Manchester United oo gacmaha ka laabanaysa Jadon Sancho… (Waa kee ciyaaryahanka ay dareenkeeda u weecisay?)

0
203

Manchester United ayaa la soo warinayaa inay isku diyaarinayso inay bartilmaameed ka dhigato xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Borussia Dortmund, Jude Bellingham inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Red Devils ayaa si xoog leh loola xiriirinayey xiddiga xulka qaranka England sanadkii la soo dhaafay, laakiin Dortmund ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay tartankii loogu jiray da’yarkan, waxaana ay kala soo wareegeen Birmingham City.

Kooxda 20-ka goor ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska ayaa markale la la xiriirinayaa Jadon Sancho, iyadoo da’yarkii hore ee Manchester City uu yahay mid la heli karo suuqa kala iibsiga xiddigaha ee nagu soo aaddan.

Si kastaba ha noqotee, Suxufiga reer Jarmal ee Christian Falk ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Tababare Ole Gunnar Solskjaer ay doonayso inay la soo saxiixato Bellingham in ka badan Sancho inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

“Man United xilligan, ma jiraan wax xiiso oo ay u hayso Sancho; uma badna inay la soo saxiixanayaan, taas bedelkeeda waa xiddiga ay isku waddanka yihiin ee Jude Bellingham,” Falk ayaa sidaas u sheegay Wargeyska Bild.

Bellingham ayaa sidoo kale waxa uu soo jiitay indhaha Chelsea iyo Liverpool, kaasoo dhaliyay afar gool, afar kalena caawiye ka ahaa 43 kulan oo uu u saftay kooxda reer Jarmal xilli ciyaareedkan.