Manchester United Oo Dhamaystirtay Saxeexii SADDEXAAD Ee La Sugayey

0
71
MADRID, SPAIN - MARCH 28: Sofyan Amrabat of Morocco runs with the ball during the international friendly game between Morocco and Peru at Civitas Metropolitan Stadium on March 28, 2023 in Madrid, Spain. (Photo by Alex Caparros/Getty Images)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexii saddexaad ee laga sugayay in ay la wareegto ka hor inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoydu, kaas oo tijaabada caafimaadka ka gudbay isla markaana hadda ay dhinacyadu shaaciyeen.

Manchester United oo maanta lasoo wareegtay goolhayaha reer Turkey ee Bayindir iyo difaaca reer Spain ee Sergio Reguilon ayaa waxa kale oo ay dhamaystirtay saxeexa khadka dhexe ee reer Turkey ee Sofyan Amrabat.

27 jirkan ayay Manchester United kusoo qaadatay heshiis amaah sannad ah oo ay bixinayso €10 milyan oo Gini oo ah lacagta amaahda ah, mushaharkiisa oo dhamaystiran iyo dookh fursad u siinaya in sannadka dambe ay si rasmi ah ugula wareegto €20 milyan oo Gini oo ay dheeraad ku noqon doonaan €5 milyan oo kale oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa.

Sofyan Amrabat ayaa noqday saxeexii saddexaad ee Manchester United ay samayso maalinta ugu dambaysa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, waxaana uu Erik ten Hag ku xoojin doonaa khadka dhexe ee uu saluugga ka qabay ee uu ka dhaawacmay Mason Mount, sidoo kalena uu hoos u dhacu ku yimid Christian Eriksen.