Manchester United Oo Dalab Lama Filaan Ah Ka Gudbinaysa Kylian Mba

0
81

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubdda cagta Manchester United ayaa is lama filaan ah ugu dhaqaaqaysa saxeexa xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo ay ka doonanayaan PSG, kaddib guul-darradii xanuunka badnayd ee ay Tottenham ugu soo xambaarisay magaalada London.

Manchester United ayaa isku darsatay guul-darro iyo qaab ciyaareed liita, iyaga oo toddobaadkii horena ay Wolves kaga soo tallaabsadeen guul cidhiidhi ah oo uu nasiibku ka caawiyey, taas oo garsooreyaashii hayay la ganaaxay markii ay ka eexdeen Wolves oo kusoo booqatay Old Trafford, kana  ciyaar wanaagsanayd Manchester United.

Kylian Mbappe oo ah ciyaartoyga loogu hadal-hayn badan yahay suuqa ibka ciyaartoyga ee xagaagan oo dib ugu soo laabtay kooxdiisa kulankii xalay uu rikoodhaha dhaliyey balse ay barbarraha la galeen Toulouse, ayaa waxa uu doonayaa in uu tago Real Madrid isaga oo aan illaa hadda saxeexin heshiis cusub.

24 jirkan ayaa waxay PSG isku dayaysaa in ay ku qanciso inuu qandaraas cusub saxeexo, balse Real Madrid ayaa ku qalqaalinaysa inuu raaco riyadiisa isaga oo dhowaanna iska diiday kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al Hilal oo u bandhigtay mushahar £604 milyan oo Gini uu sannadkii ku qaadanayo.

Sida uu qoray wargeyska Nacional ee kasoo baxa waddanka Spain, Manchester United ayaa waxay kusoo biirtay tartanka loogu jiro Kylian Mbappe, waxaanay doonaysaa inay ka hor qaaddo Real Madrid iyadoo adeegsanaysa lacag qancin karta PSG.