Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa xaqiijisay in Jadon Sancho uu tababar qaas ah oo ka fog kooxda koowaad sameyn doono ka dib markii ay isku dhaceen tababare Erik ten Hag.
Sancho ayaa laga reebay kooxdii Manchester United ee guuldarada ay ka soo gaartay Arsenal ka hor inta aan loo bixin ciyaaraha caalamiga.
23 jirkaan ayaana beenaale ku tilmaamay tababarihiisa oo ciyaarta ka dib sheegay in sababtii Jadon Sancho kulankaas looga reebay inay aheyd inuu ku liitay tababarka.
Sancho ayaa masaxay fariintii uu ku weerarayay tababare Ten Hag ee uu soo dhigay baraha bulshada laakiin waxay taasi sababtay in lagu ciqaabo in laga saaro kooxda koowaad oo lagu qasbo inuu tababar gooni ah kaligii sameeyo.
Xiddiga Ingariiska ayaa tababar shaqsi ah oo ka gooni ah ciyaartoyda kooxda koowaad sameynaya, kamana qeyb qaadan doono kulanka Premier League ee ay Man United Old Trafford ku soo dhaweyneyso Brighton.