Manchester City oo isku dayaysa inay la soo wareegto Weeraryahanka Kooxda Real Madrid ee Karim Benzema

0
365

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la soo warinayaa inay isku dayayso inay la soo wareegto Weeraryahanka Naadiga Real Madrid ee Karim Benzema.

Xiddiga Kooxda Los Blancos ee Benzema ayaa la fahamsan yahay inuu u wareegi karo horyaalka xiisaha leh ee English Premier League.

Warsidaha El Nacional ayaa ku warramaya in Kooxda Manchester City ay ka fiirsaneysa inay la soo wareegto weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema.

Kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ayaa u dhaqaaqi karta 33-sano jirkaan marka uu galo sanadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa Madrid, bisha June ee sanadka 2022.

Real Madrid ayaa ka caga jiideysa inay u ogolaato Benzema inuu baxo, inkastoo saameyntiisa afka hore ay weli tahay mid xooggan ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.