Man City oo miiska saartay 55 million euros si ay ula saxiixato xiddig ka ciyaara horyaalka La Liga

0
177

Wargeyska “Marca” ayaa xaqiijiyay in Manchester City ay miiska u saartay kooxda Sevilla qiimo dhan 55 million euros, si ay u hesho saxiixa daafaca Jules Koundé.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Manchester City ay jawaab diidmo ah ka heshay Sevilla, maadaama kooxda reer Spain ay diiday dalabkan weyn ee laga soo gudbiyay daafaceeda dhexe.

Jules Koundé ayaa wuxuu sidoo kale xiiso ka helayaa kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, kaddib markii uu ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kooxda Sevilla xilli ciyaareedkii la soo dhaafay tartamada oo dhan.

Banega se rindió a Bono y Koundé aseguró su continuidad - BeSoccer

Laacibkan reer France oo u ciyaaray 40 kulan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay kooxdiisa Sevilla tartamada oo dhan, ayaa ka caawiyay kooxdiisa Sevilla inay ku guuleysato tartanka Europa League markii lixaad ee taariikhda.

Wargeyska “Marca” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda Sevilla ay ku dhagan tahay inay hesho qiimaha lagu burburin karo heshiiska Jules Koundé, kaasoo gaaraya 90 million euros, si ay ugu ogolaato inuu u dhaqaaqo naadiga Man City.

Gool FM.