Magaalada Kismaayo oo tababar uga furmay qaar ka mid ah ciidanka Asluubta Jubbaland.

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Cabdullaahi Cabdulqadir Aadam Qaanuuni, oo ay wehelinayaan Agaasimaha Waaxda Xabsiyada ee Wasaaradda, Sharmarke Abshir Mohamed, iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Jubbaland, Maxamed Caaqib Xirsi, ayaa maanta magaalada Kismaayo tababar uga furay qaar ka mid ah ciidanka Asluubta Jubbaland.

Tababarkan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa waxaa ka faa’iidaysan doona ilaa 30 askari oo ka tirsan ciidanka Asluubta Dowlada Jubbaland.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Jubbaland, Maxamed Caaqib Xirsi oo ugu horeyn ka hadlay Daah furka Tababarka ayaa Ciidamada ugu baaqay in ay si wangaasan uga faa’iideystaan Tababarka.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya