Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa hormar la taaban karo ka gaadhay dhinaca Waxbarashada maadi iyo diiniba.
Garbahaarey xarunta Gobolka Gedo celcelis ahaan sanadkiiba waxaa ka qalin jabisa Iskuulada Madaarista Iyo Masjidka Jaamaca oo marti galiya ku dhawaad 2kun oo Arday kuwaas oo ka kala yimid Gobolada dalka iyo Wadamada Kenya iyo Itoobiya waxaa ka qalin jabisa guud ahaan Kun iyo Shan boqol oo araday.
Goobaha Waxbarashada Iskuulada waxaa ugu saameyn badan Iskuulka Hoose,Dhaxe, Sare ee Al-anwar kana mid ah Iskuulada ugu facaweyn Garbahaarey oo hormar baladhan ka sameyay dhanka waxbarashada sadaxdii sane ee u dambeysay isagona kaalamaha hore ka galay Imtixaanka shahaadiga ee qaranka sanad Dugsiyeedyadii 2019 iyo 2020 fasalada labiyo tobnaad ee Dugsiyada Sare.
Maamulaha Dugsiga Al-anwar Axmed Sheekh Maxmuud Cabdulle ayaa kawarbixiyay xaalada waxbarasho Dugsiga.
Ugu danbentii Ardayda u fadhiisan doona Imtixaanka fasalka labiyo tobnaad ee 2021 iyo 2022 ayaa shegay in ay difaacan donaan kaalmihii ay Garbahaarey ka gashay Imtixaanka shahaadiga Ee qaranka sanadihii 2019 iyo 2020.
Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa warbixintan ku eegaya