Magaalada Feerfeer qeybta Dowlad Deegaanka Soomaalida oo lagu soo gaba gabeeyay shir socday muddo saddex maalmood ah.

0
387

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Feerfeer qeybta dowlad deegaanka Somalida ayaa lagu soo gaba gabeeyay shir socday muddo saddex maalmood ah kaasoo u dhexeeyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, oo ay weheliyaan saraakiil, xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, iyo madaxa hogaanka nabad galyada dowlad deegaanka Soomaalida Xuseen Xaashi Qaasim oo ay weheliyaan, maamulka gobolka shabeelle iyo saraakiil ciidan.

Shirkan ayaa lagu gorfeeyay mudada uu socday sugida amaanka deegannada ku teedsan xadka labada dal, isku socdka, ganacsiga iyo waxbarashada.

Qodobo dhowr ah oo ay isku afgarteen labada dhinac ayaa laga soo saaray shirkan kuwaasoo kala ah.

1. In wada jir la iskaga kaashado sugida amaanka degaanada ku teedsan xadka labada dal.
2. In degaanadii dhawaan shiqaaqada qabiilka ka dhacaday muddo saddex kadib loo qabto shir dib u heshisiin si loo dhameeyo colaada ka dhax tagan labada beelood ee walaalaha.
3. In Labada is maamul goboleed ay iska kaashadaan dhanka horumarinta sida ganacsiga iyo waxbarashada.

Madaxa hogaanka nabad galyada dowlad deegaanka Soomaalida Xuseen Xaashi Qaasim ayaa sheegay in 30 ardey oo ka mid ah kuwa Hirshabeelle waxbarasho lacag la’aan ah laga siin doono magaalada jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa ka mahad celiyay 30 ardey ee loo balan qaaday inay wax ka baran doonaan jamaacadda Jigjiga, isagoo sheegay in ay qeybka tahay Horumarinta iyo iska kaashanayaan Labada dhinac waxana uu Balan qaaday in ka Hirshabeelle ahaan ay diyaar u yihiin xoojinta xiirka labada dhinac.