Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland oo kormeer ku tagay qaar kamid ah Wasaaradaha Jubbaland

0
76

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta koormeer ku tegey qaar ka mid ah Wasaaradaha Jubbaland.

Wasaaradaha uu Madaxweyne ku xigeenku booqday waxaa ka mid ah Wasaaradaha Amniga, Caafimaadka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Dekadaha iyo Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Jubbaland.

Ujeedada booqashada ayaa ahayd hubinta howlaha shaqo iyo la xisaabtanka masuuliyiinta Wasaaradaha Jubbaland.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya