Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlada Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo gaaray deegaanka Fuuma ee gobolka jubada hoose

0
202

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlada Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Fuuma ee dhanka Galbeed kagabeegan Xarunta KMG jubbaland ee Kismaayo.

Kulankan ayaa waxaa madaxweynaha kuwehliyay qaar ka mid ah labada gole ee Dowlada Jubbaland, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqamagaalada iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedka safarkan ayaa ahaa sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka ay soo gudbinayaan dadka degaanka ee ah in ay ku dhib qabaan dad ay ku sheegen in ay ku hawlan yihiin jarista dhirta oo keeni karta in uu dhulku nabaad guuro, waxayna masuuliyiinti ka socday Dowlada Jubbaland iyo bulshada ku dhaqan deganadaas isla qaateen in si wada jir ah looga soo horjeesto dadka degaanka nabaad guurka kawada.

Madaxweynaha ayaa sidookale dadka degaanka kala hadlay in dowlada lagala shaqeeyo ilaalinta degaanka iyo Amniga degaanka sinabad loogu wada nolaado.