Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal.

0
29

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan si looga mira dhaliyo danaha labada shacab

Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda wada shaqaynta labada dal si loo xoojiyo xiriirka adag ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.