Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay dabkii Hargeysa ka kacay

0
235

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxeynaha Somaliland, Muuse Biixi cabdi ayaa dadkii lahaa hantidii xalay ku burburtay dab qabsaday suuqa ugu weyn magaalada Hargeysa uga tacsiyeeyay Ilaahyna uga baryay inuu samir iyo imaan ka siiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku dhawaaqday hal Milyan oo doollar oo lagu caawinaayo dadkii ay waxyeelada soo gaartay.

Waxaa uu sidoo kale  sheegay in 28 qof ay ku dhaawacmeen  balse aysan jirin cid ku dhimatay.

Khasaare lixaad leh oo malaayiin doolar gaaraya ayaa ka dhashay dab saacado badan socday oo xalay baabi’iyay suuqa ugu wayn magaalada Hargeysa ee Waaheen.

Abaare 8-dii fiidnimo ee xalay ayuu kacay dabka, hasayeeshee kooxaha dabdamiska ee la tacaalaya xakamaynta dabka ayaa howshoodii waxaa carqaladeeyay suuqa oo aanan lahayn wadooyin waafi ah oo loo maro.

Suuqa oo ku fadhiya masaafo gaaraysa 5KM ayaa tan iyo waqtigan waxaa soconaya dedaallada lagu daminayo dabkaasi ka kacay, iyadoo maayirka magaalada Hargeysana uu isagoo qiiraysan tilmaamay in hantidii magaaladiisa ay baaba’day.