Madaxweynaha Malawi oo kala diray golihiisa wasiirrada

0
685

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha wadanka Malawi Lazarus Chakwera ayaa lagu soo warramayaa inuu kala diray golihiisa wasiirrada ka dib markii ay soo baxeen eedeymo ku saabsan musuqmaasuqa oo loo jeedinaya dhowr wasiirro ah.

Tallaabadan ayuu shaaca kaga qaaday khudbad qaran oo uu jeediyay.
Madaxweyne Chakwera ayaa xusay inuu fursad siin doono in lala xisaabtamo saddex wasiir iyo shaqaale kale oo dowladeed oo musuqmaasuq lagu tuhmayo.

Waxaa uu intaasi ku daray in dhammaan shaqooyinkii golaha wasiirrada in laga fulin doono xafiiskiisa ilaa uu muddo labo cisho gudahood ah uga soo dhisaya gole cusub.

Hoggaamiyaha Malawi ayaa carrabka ku adkeeyay in golaha uu soo dhisaya uunan xubin ka noqon doonin wasiirka arrimaha dhulalka Kezzie Msukwa oo la xiray bishii hore ka dib markii lagu eedeyay laaluush qaadasho uu uga macaashay heshiisyo dhanka dhulka ah oo lala galay ganacsade u dhashay Ingiriiska oo deggan dalka Malawi.