Madaxweynaha JFS oo gaaray Burundi.

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey Magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, ka dib casuumaad rasmi oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi oo kulan gaar ah ku yeeshay Mataxtooyada Burundi ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Burundi iyo dowladiisa taageerada iyo nafhurnimada ay Soomaaliya u sameeyeen taas oo ah mid aan la ilaawi karin.