Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland oo kulan laqaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee Degmada Dhoobley.

0
179
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan laqaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee Degmada Dhoobley.
Madaxweynaha Jubalabd iyo odayaasha dhaqanka Dhoobley ayaa iska xogwaraystay xaalada guud ee Degmada iyo deegaanada ku xeeran iyadoo odaayasha dhaqanka ay uga mahad celiyeen Madaxweynaha dadaalada uu ku bixinayo daadajinta maamulka iyo adeegyada bulshada Degmada Dhoobley.
Madaxweynaha Jubaland ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Dhoobley sii wadi doona kulamada uu la yeelanayo qaybaha kale duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Dhoobley.