Madaxa Taraafikada oo gaadiidleyda Degmada Dhoobley uga baaqay ilaalinta Shurucda Wadooyinka.

0
207

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Booliska taraafikada ayaa ah kuwa bulshada u haya adeegyo qiimo leh iyago oo haga gaadiidka maro wadooyinka Magaalada iyo sido kale fulinta shuruucda wadista gadiidka.

Madaxa taraafikada Magaalada Dhoobley ayaa amar cusub ka soo saaray gawaarida aan lahayn Taarikada iyo kuwa aan ilaalin nidaamka marista wadooyinka.

Qaar kamid ah Gaadiidleyda ku nool Degmada Dhoobley ayaa kawarbixiyay sida ay ula shaqeeyaan ciidanka taraafikada waxa ayna Gaadiidleyda kale uga baaqeen in ay ilaaliyaan Shuruucda wado marista lana shaqeeyaan lamaha ku shaqada leh ilaalinta badqabka Gadiidka Deegaanka.

Dhanka kale Abshir macalin Yuusuf oo ah madaxa taraafikada Degmada Dhoobley ayaa uga baaqay gadiidleyda ku nool degmada dhoobley in ay ilaaliyaan shuruucda waxuuna kawaramay sida ay muhiimka u tahay ilaalinta nidaamka.

Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay