Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Waxbarashada dalkeena maadi iyo diiniba ayaa si xooggan u kobcaysay mudooyiinki u dambeeyay iyadoo walibo ay jiraan horumarro badan oo deg deg ah dhanka waxbarashada markii lo eego sanadahii lasoo dhaafay.
Waxbarashadu waa iftiinka nolosha, waana sheyga kaliya ay umad kasta ay horumar iyo Barwaaqo ku gaari karto, Waxaa xusid mudan in Magaalada Dhoobley ay kamid tahay Deegaanada dhanka waxbarashada ku wanaagsan.
Madarasada Al-raxma waxa ay kamid tahay Madaarista ku yaala xaafada Danwadaag ee Magaalada Dhoobley taas oo lagu baro ardayda xifdiinta Qu’raanka iyo culuumtiisa.
waxaan wareysi la yeelanay qaar kamid ah Ardayda wax ka dhigta madarsadaasi, hadala doodina waxaa kamid ahaa.
Ugu dambeyntii Maamulaaha Madarasadaasi Macalin Muxumed Cabdi ayaa faah-faahin kabixiyay xaalada Waxbarasho ee madarasadaasi isago sheegay in caruur badan oo danyar ah ay si lacag la’aan wax ugu dhigaan.
Cabdullaahi Cabdicasiis Siraad.ayaa warbixintan ku egaya