Maamulka gobolka Banaadir oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha bannaynta waddooyinka uu roobku xiray.

0
130

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamulka Dowlada hoose ee Xamar oo maalmahaan si joogta ah uga howl galayay maareeynta saameeynta uu Roobka ku yeeshay bilicda Caasimadda iyo isku socodkeeda ayaa ka warbixiyay xalay halka ay marayso shaqada culus ee la tacaalidda Biya-dhigga Roobka.

Agaasimaha guud ee Nadaafada iyo Bilic soo celinta gobolka Banaadir, Sharma’arke Caddoow Tuuryare oo xilligaas warbaahinta kula hadlay Wadada Buula Xubeey ee degmada Wadajir ayaa sheegay in ay 24 ka saac u taagan yihiin sidii ay biyaha ugu nadiifin lahaayeen Waddooyinka si shacabka iyo gaadiidkuba ay u helaan nafis.

Sharma’arke Caddoow ayaa intaa ku daray in 8-dii cisho ee uu Roobku sida xawliga u socday ay wax badan ka qabteen waddooyinka isku xira degmooyinka Wadajir, Dharkeynleey, Kaxda iyo degaanka Garasbaalleey, degmooyinka kalana ay u gudbi doonaan, wuxuuna sheegay in Roobka oo kusii da’aya hadba halka ay biyaha ka qaadaan ay howluhu adkeeyeen balse ay u dhabar adaygayaan.

Agaasime Sharma’arke ayaa ugu dambayn kula dardaarmay dadka wax haysta inay u gurmadaan dadka jilicsan ee ku nool xeryaha barakacayaasha iyo meelaha biyo degeenka ah, kuwaas oo u nugul waxyeellada ka dhalata biyaha Roobka, isagoo shacabka ku boorriyay inay garab istaagan howlaha ay Caasimadda ka waddo dowladda hoose.