Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa Dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay laba gaari oo dab-damis casri ah, kuwaas oo gacan ka gaysanaya gurmadka deg dega ah ee Goobaha dabka ka kaca gaar ahaan dhismayaasha dhaadheer.
Munaasabadda lagu wareejinayay gaadiidka dab-damiska ah ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee XFS, iyo mas’uuliyiin kale oo heerar kala duwan ah oo ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Maxamed Cali Samow.ayaa fah-faahinaya






