Maamulka Degmada Kismaayo oo kormeer ku sameeyey qaar ka mid ah waddooyinka Magaalada Kismaayo.

0
247

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Degmada Kismaayo Cabdirashiid Cabdi Ibraahim oo ay weheliyaan guddoomiyaha xaafada Faanolle Cabdi Fataax Aden Cabdullaahi iyo guddoomiyaha Farjano Abu Bakar Sheekh Maxamed Engineer Nuux Cabdi Wahaab ayaa kormeer ku sameyay qaar kamid ah wadooyinka waaweyn ee  xafadaha ay ka kobantahay Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaadhka ee Dowlad Goboleedka Jubbaalnd.

Wadooyinka uu kormeeray guddomiye ku xigeenka kowaad ee Degmada Kismaayo ayaa waxaa kamid ahaa Faanoolle iyo Farjano kuwaasi oo ay ka socoto hawlo GBSKa,ah  lagu galinayo xaafadaha Magaalada Kismaayo.

Markii Uu so idlaaday kormerkan ayaa waxaa si wada jir ah Warbaahinta ula hadlay guddomiyaha xaafada Faanoole Cabdi Fataax Aden Cabdullaahi iyo guddoomiyaha xaafada Farjano iyagoona so dhaweyay GBSyada lagalinayo xaafadaha Magaalada.

ugu danbeyn Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Degmada Kismaayo Cabdirashiid Cabdi Ibraahim ayaa ka warbixiyay muhimada kormeerkoda.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa