Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maalintan waxaa Qaramada Midoobay u asteeyeen 1981 si loogu wacyigeliyo bulshada caalamka qiimaha nabaddu leedahay iyo baahida loo qabo in la joojiyo colaadaha Sanadkii, 2001, waxaa la go’aamiyey in maalintan la xuso 21-ka Sebtember sanad walba.
Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda waa maalin caalami ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo qiyamka nabadda, wada noolaanshaha iyo iskaashiga caalamiga ah.
Sannad kasta, Qaramada Midoobay waxay ku baaqaan in hal maalin si rasmi ah loo joojiyo dagaallada iyo rabshadaha si dadka adduunku ugu dabaaldegaan nabad iyo walaaltinimo.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa warbixintan ku eegeysa