Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka xulka Spain Dani Olmo ayaa ammaan u jeediyay saaxiibkiisa Lamine Yamal, isagoo ku tilmaamay xiddig isbeddel keeni kara marka uu garoonka joogo.
“Way fududahay in lala ciyaaro Lamine Yamal,” ayuu yiri Olmo.
“Anigoo ka ciyaaraya dhexda, waxaan ogahay inuu mar walba boos ka heli doono garabka. Haddii ay iga hor timaaddo dhibaato, kaliya waa inaan kubadda u dhiibaa isaga — waana intaas.”
Hadallada Olmo ayaa muujinaya isfahamka ka dhexeeya isaga iyo Yamal, taasoo si weyn uga dhex muuqata guulaha Spain.
Booska dhexe ee uu Olmo ka ciyaaro ayaa siinaya fursad uu si wanaagsan u qiimeeyo dhaqdhaqaaqa ciyaarta iyo inuu helo booska ugu habboon ee laga faa’iideysan karo.
“Waan ogahay in Lamine mar walba boos ka helayo garabka,” ayuu yiri, taasoo siineysa kalsooni aan kubadda ugu dhiibo marka ay xaalada igu adkaato.
Spain ayaa la ciyaari doonta France semi-finalka UEFA Nations League, waxaana Olmo iyo Yamal rajeynayaan inay saameyn muuqata ku yeeshaan kulankaas.