Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Tababaraha kooxda Manchester United Ralf Rangnick ayaa fariin u diray xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, kaddib markii uu carooday markii la bedelay kulankii Brentford.
Manchester United ayaa ku soo dhaweyn doonta kooxda West Ham United, berri oo Sabti ah, garoonka Old Trafford, si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan Isbuuca 23-aad ee horyaalka Premier League.
Haddaba wargeyska Daily Mail ee dalka England ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Ralf Rangnick, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Waxay ku saabsan tahay kooxda iyo helitaanka dhibco, waxaan ku jirnaa xaalad ay kulan kastaa muhiimad gaar ah leedahay.”
“Kooxda way ka muhiimsan tahay ciyaartoy kasta oo kale, Cristiano Ronaldo, Edinson Cavani, Bruno Fernandes, ama ciyaartoy kasta.”
“Waxaan u maleynayaa in Ronaldo aan la bedelin xirfadiisa ciyaareed, waxaa jiray waqtiyo qaar oo la bedelay inta aan ogahay, xitaa xilligii Alex Ferguson.”
“Ciyaaryahanka sida Cristiano ma jecla in la badalo, tani waa wax iska caadi ah, falcelintiisa waxay ahayd mid shucuur ah, laakiin gabi ahaanba aniga wax dhibaato ah kuma qabin.”
“Waxaan la soo shaqeeyay ciyaaryahano kale, laga yaabee inaysan lahayn magac weyn sida Cristiano, waan ogahay falcelinta ciyaartoydaan marka la bedelo.”