Lixda ciyaaryahan ee mushaharaadka ugu badan ka hela horyaalka La Liga haatan

0
546

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Horyaalka La Liga ee dalka Spain ayaa hooy u ah qaar ka mid ah xiddigaha ugu magaca weyn kubadda cagta.

Horyaalka Spain oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay horyaallada ugu wanaagsan Adduunka ayaa kooxaha ka ciyaara waxaa ugu madax fiiqan Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid, layaabna noqon mayso haddii iyagu ay yihiin kooxaha bixiya mushaharaadka ugu badan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg lixda ciyaaryahan ee haatan ugu mushaharka badan horyaalka La Liga & lacagaha ay qaataan bishii:-

6 | David Alaba (Real Madrid) – oo qaata 1.88 milyan oo euro bishii.

5 | Antoine Griezmann (Atletico Madrid) – oo qaata 1.88 milyan oo euro bishii.

4 | Sergio Busquets (Barcelona) – oo qaata 1.91 milyan oo euro bishii.

3 | Gareth Bale (Real Madrid) – oo qaata 2.27 milyan oo euro bishii.

2 | Eden Hazard (Real Madrid) – oo qaata 2.27 milyan oo euro bishii.

1 | Gerard Piqué (Barcelona) oo qaata 2.33 milyan oo euro bishii.