Liverpool oo si xoogan u qorsheyneysa inay lasoo saxiixato xiddig ka ciyaara Premier League

0
226

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Shabakada “Goal” ayaa shaacisay in kooxda Liverpool ay si xoogan u qorsheeneyso inay la soo saxiixato xiddiga reer Brazil iyo naadiga Leeds United ee Raphinha inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

24-jirka reer Brazil, wuxuu u dhaqaaqay Leeds United xagaagii lasoo dhaafay, isagoo kaga yimid naadiga Rennes ee dalka France, qiimo lacageed dhan 19 million euros.

Raphinha ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxdiisa ​​Leeds United khibradiisa ugu horreysay ee horyaalka Premier League, isagoo dhaliyay 8 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 11 gool kale, kaddib 38 kulan uu ciyaaray, taasoo keentay in Liverpool ay xiiseyso saxiixiisa.

Shabakada “Goal” ayaa tilmaamtay in xiddiga reer Brazil ee Raphinha uu ka mid yahay bar-tilmaameedyada ugu muhiimsan kooxda Liverpool ee suuqa xagaaga, si loo xoojiyo safka weerarka Reds.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Reds ay diyaar u tahay inay la soo saxiixato laacibkan garabka weerarka ka ciyaara, laakiin ilaa iyo haatan aysan la furan wada hadal rasmi ah kooxda Leeds United, balse ay sameyn doonto maalmaha soo socda.

Sida ay wararku tilmaamayaan Liverpool ma ahan kooxda kaliya ee xiiseyneysa inay qandaraas la gasho Raphinha, laakiin waxaa loo arkaa mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad, waxayna isku dayi doontaa inay xalliso heshiiskan goor hore kahor kooxaha kula tartamaya adeega laacibkan.

Waxaa xusid mudan in qandaraaska Raphinha ee Leeds United uu dhacayo xagaaga 2024.