Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Liverpool ayaa si xooggan uga shaqeynaysa xoojinta safkeeda, iyadoo diiradda saareysa garabka difaaca. Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha Fabrizio Romano, Liverpool uma aragto saxiixyada Giovanni Leoni iyo Marc Guéhi kuwo iska hor imaanaya.
Wararka ayaa tilmaamaya in labada heshiisba lagu guda jiray todobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo Leoni loo arko ciyaaryahan dhalinyaro ah oo leh qiime mustaqbalka fog, halka Guéhi loo arko fursad muhiim ah oo hadda jirta.
Waxaa la xaqiijiyay in wada xaajoodyadu ay socdaan si loo soo afjaro heshiiska daafaca Talyaaniga ee Parma, iyo sidoo kale difaaca heerka caalami ee Ingiriiska ee ka tirsan Crystal Palace.






