Liverpool oo guul ka gaartay kooxda Burnley oo marti ugu aheyd garoonka Anfield… +SAWIRRO

0
222

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.

Daqiiqadii 18-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Diogo Jota, wuxuuna caawin ka helay saaxiibkiis Konstantinos Tsimikas.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

69 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Sadio Mane oo caawin ka helay saaxiibkiis Trent Alexander-Arnold, ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 2-0 ay kaga adkaatay Liverpool kooxda Burnley oo marti ugu aheyd garoonka Anfield, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada horyaalka Premier League.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image