Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Leicester City, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulamada Toddobaadkan ee horyaalka Premier League.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa Liveool.
Daqiiqadii 21-aad Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu gool iska dhaliyay daafaca kooxda Leicester City ee Jonny Evans, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 1-0.
41 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Liverpool ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta, kaddib markii uu 2-0 ka dhigay xiddiga reer Portugal ee Diogo Jota, waxaana caawinta goolkan lahaa Andrew Robertson.
Daqiiqadii 86-aad kooxda Liverpool ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta kaddib markii uu 3-0 ka dhiga xiddiga reer Brazil ee Roberto Firmino, waxaana goolkan caawiyay James Milner.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo adkaatay 3-0 ay Liverpool kaga adkaatay kooxda Leicester City oo marti ugu aheyd garoonka Anfield, xilli Reds ay soo fariisatay booska labaad ee miiska kala sareynta horyaalka, waxayna min 20 dhibcood leeyihiin kooxda hoggaanka ku fadhisa ee Tottenham Hotspur, balse farqi goolal ah ayaa looga hoggaaminayaa.
SAWIRRO: