Liverpool Oo Farxad Kale Kusoo Toostay Saaka

0
62

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa saaka ay u tahay mid farxadeed, waxaana hadda ka degay UK xiddiga reer Netherlands ee Ryan Gravenberch oo ay kala soo wareegtay Bayern Munich oo xala la dhamaystiray heshiiskiisa.

Isla maanta gellinka hore ayuu Ryan Gravenberch tijaabada caafimaadka ku marayaa garoonka tababarka Liverpool ee Kirkby AXA Training Center, iyadoo ay ku sugayaan dhakhaatiirta oo saaka ku kallahay halkaas.

Kubbad burburiyahan ooi saxeexaya heshiis shan sannadood ah ayaa Liverpool ay xalay xaqiijisatay iibkiisa, iyadoo Bayern Munich ay ogolaatay inay iibiso sannad kaliya kaddib markii ay kala soo wareegtay Ajax, balse waxa ay ka faa’iidday laba-jibbaar in ka badan lacagtii ay kusoo iibsatay xagaagii hore.

Liverpool ayaa bixin doonta €40 milyan oo Gini oo kaash ah iyo €5 milyan oo Gini oo kale oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa iyo guulaha uu la gaadho Liverpool, isaga oo noqon doona saxeexii afraad ee khadka dhexe ah ee ay Reds samayso xagaagan.